Wuxuu fadhiyaa qeybta fadhiga ee gurigiisa, wuu baalla-deeymoonayaa, markuu dhinacyada ka duwo ee uu indhaha kor u dhigana waxa araggiisa soo celsha saqafka guriga, intaa uu ilmeerka ku jiro maskaxdiisu waxey u shaqeeyneeysaa sida ugu sarreeysa ee maan fiyoobi u fikiri karo. Haa. . . . aad buu maskaxdiisa u tuujinayaa wax weeynina waa uga soo dhiiqi la’yihiin!
Magaciisu waa Daljir; da’ ahaanna waa afartan jir, Soomaaliya ayuu ku dhashay kuna soo dhaqmay dhallintiisa oo dhan. Weligii meel ugama bixin dalka, marka laga reebo saddex sano oo uu dibadda ugu maqnaa waxbarashada heerka labaad ee jaamacadda, waddankiisa ayuu wax ku bartay, ku barbaaray, ku guursaday, inuu ku gaboobana go’aankiisu yahay.
Shan iyo labaatankii sano ee u horreeysay noloshiisa, goorba garaad ma laheeyn oo wuu iska noolaa? Maxaayeelay ma aanu fikiri jirin oo maba aanu kala aqoon; col iyo nabad, dhib iyo dheef, horumar iyo hagaas toona. Sidaa darteed wixii socda ayuu iskala falgeli jiray, balse shan iyo tobankii sano ee u danbeeysay baraarug baa galay, maxaayeelay naftiisu waxey ula heellan tahay had iyo goor weeyddiima waayeeyn oo wax ku ool ah; sida uu garwaaqsan yahayna su’aalahaasi wey la sii koraan gooriba goorta ey ka danbeeyso!
Waxa uu wax iska weeyddiinayaa oo maskaxdiisu ku mashquulsantahay ismaandhaafka iyo isa-seegga siyaasadda adduunka ee maanta jira. Meel walba wey ka walaaqan tahay oo Ruush baa ku booday Yukreeyn welina la lagdamaya sannadkii saddexaad, Falastiin iyo Israa’iil toodu ka sheekeeyn ma leh, Iiraan waxey taakuleeysaa jabhada Bariga Dhexe ka jira intooda badan; sida Xammaas, Xisbullah, iyo Xuutiga Yemen; sidaa darteed, waxaad mooddaa dhowrkii faras oo ey fuushay iyana in futa-jeex ku dhacay; oo hadda gudaha gurigeeda ayaa lagu dhex gowracaa ciddii la doono!
Dabkaas ka baxaya Bariga Yurub iyo Bariga Dhexe, dowladaha dunida awoodda lihina (superpowers of the world) wey la kala safanyihiin. Haddaba waxaas wax ula ekaaday ayaa waddankiisa ka soo socda, oo uu maalmahaan la maahsan yahay mashaqadeeda!
Oo maxey tahay mashaqadaasi?
Sow Itoobiya lama saxiixan hoggaamiyaha Soomaalillaan 1/1/2024 is-afgarad biyaha Soomaaliya ku saabsan, dabcan waana midda keentay balaayada baal dhabeeysa Bariga Afrika ee maanta taagan.
Dalal badan oo Afrika ka baxsan ayaa ku lug leh qilaafkan annaga iyo Itoobiya noo dhaxeeyo; sida Masar, Turki, Carabta Qaliijka qaarkood, reer Galbeed (Yurub iyo Mareeykan), iyo reer Bari (Ruush iyo Shiine).
Waxaas oo dhan waxaa uga sii daran; shir ayaa ka billowday Madaxtooyada Soomaaliya 2/10/2024 waxaana la isku heeystaa doorashadii xummeeyd, oo qoray isu-dhiibka aheeyd dhowr iyo labaatankii sano ee u danbeeysay!
Xummeeyd maaha e, maan i raahdo doorashadii dalka ama tii qaranka, qalad iyo qaanuun-jebin baan sammeeyey sow maaha? Maya wallee waa run, haddii aan maalaayacni la isugu madax salaaxeeyn waa doorasho xun oo xil leh! Maxaayeelay magaceedu waa doorasho dadban, muddo dheer oo dhowr iyo toban sano ahna waa la toosin la’yahay, tabardarro iyo tabxummo tu ey tahayba!
Bad weeyntaa isagoo dhex mushaaxayo ayuu soo xusuustay in dalku dagaal ku jiray oo ey aheeyd inuu taas uun aad uga fikiro, sidaa darteed wuxuu isa-su’aalayaa horta annaga teennu maba cadda e, laakiin Itoobiyaanku maxey naga doonayaan?