Saynisyahankii caanka ahaa ee Galileo Galilei wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee arka oogada dayaxa isagoo adeegsanaya teleskoob. Sawirkii uu ka bixiyay wixii uu arkay, oo ahaa in oogada dayuxu sida tan dhulka oo kale ay leedahay buuro, togag, godad iwm, ayaa soo jiitay carada kaniisadda Kaatooligga oo iyadu qabtay in cirku yahay meel iin oo dhan ka nasahan oo aan lahayn nusqaannada uu dhulku caanka ku yahay.
Sidoo kale masaa’isha ay isku jireen Galileo iyo kaniisaddii Kaatooligga waxaa ugu muhiimsanaa saynisyahankan oo qaatay aragtidii Cupernacus ee ahayd in cadceeddu tahay xuddunta kownka, halka dhulka iyo meerayaasha kale ay iyada ku dul wareegaan. Cupernacus hortii, waxaa la aaminsanaa in dhulku yahay xuddunta kownka, kaasoo ay cadceedda, xiddigaha, iyo dayuxu ku dul wareegtaan.
Arrimahan ayaa keenay in la maxkamadeeyo Galileo bartamihii sandkii 1633 laguna helo dambiyo ay ka mid yihiin inuu ku dhacay gaalnimo, waxaana lagu qasbay inuu ka towbad keeno wixii uu ka shaqaynayay inta badan noloshiisa.
350 sano ka dib, 31kii Oktoobar, 1992 ayay kaniisadda Kaatooliggu soo saartay qaraar ay ku qiranayso in Galileo uu ku saxnaa aragtidii burinaysay xuddun-ahaashaha dhulka ee kownka, iyo in xukunkii lagu riday uu ahaa gaf taariikhi ah.