Sooyaal Iyo Safar Nololeed: Janaraal Khaalid Abdulahi Omar.
Magaciisa oo dhammaystiran waa Sahal Cabdullaahi Cumar, oo si weyn loogu yaqaano magaca Khaalid. December 1984-tii ayaa uu ku dhashay magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed, Soomaaliya. Waxa uu ka soo jeedaa qoys diineed leh sooyaal halgan iyo sumcad deegaan oo aad u dheer. Aabihii Sheekh Cabdullaahi Cumar Nuur, oo sidoo kale loo yaqaano Sheekh Baarakallaah, ayaa ahaa wadaad caan ah oo kaalin muhiim ah ka ciyaaray fidinta dacwada Islaamka, gaar ahaan ta salafka saalixa ah. Sheekh Baarakallah sidoo kale waxa uu kamid ahaa aasaasayaasha jabhadda gobannimadoonka ee WSLF ee ka dagaallantay Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS). Abtiyaashiis, Sheekh Xasan Turki iyo Cali Shucaac, ayaa sidoo kale caan ka ahaa bulshada, iyaga oo door firfircoon ka ciyaaray arrimaha diinta iyo bulshada.
Markii uu 12 sano jir ahaa, Khaalid waxa uu ku biiray jamhaddii WSLF ee ka soo horjeeday gumaysiga Itoobiya. Halkani waxa ay ahayd billowga safarkiisa halgan iyo difaac ee gobannimada dhulka iyo dadka Soomaaliyeed. Jabhadda Western Somali Liberation Front (WSLF), waxay ahayd mid kamida jabhadihii gobannimadoonka ee soo martay DDS. Bishii Janawari ee 1976-dii shirweyne ka dhacay tuulada Yaaqbadhiweyne ee hoostagta degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu asaasay jabhaddani.
Haddaba Khaalid muddo 14 sano ayuu siyaabo kala duwan qayb uga ahaa halganka jabhaddaasi. Jagooyinka uu ka qabtay waxaa laga xusi karaa Hoggaanka Sahanka iyo Sirdoonka Jabhadda WSLF.
Khaalid, kama uusan dagaallamin Soomaali-Galbeed oo keliya e, sida oo kalena Koonfurta Soomaaliyana waa uu ka halgamay. Sannadii 2007-dii, waxa uu qayb ka ahaa halgankii lagula jiray ciidamadii Itoobiya ee galay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Geesinimadiisa iyo hoggaamintiisa ayuu ku kasbaday sumcad iyo kalsoonida bulsho.
December 2014, Khaalid waxaa loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubbaland (JISA). Xilkan ayaa uu kaga shaqeeyay nabadaynta Kismaayo iyo xoojinta is-dhexgalka bulshada, isaga oo muujiyay xirfadiisa sirdoon iyo milatari. Hoggaamintiisa ayaa u keentay horumar iyo xasilooni gobollada Jubbaland, taas oo sare u qaadday sumcaddiisa.
Kaddib doorashadii 2022-dii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loogu doortay talada waddanka, Khaalid waxa uu noqday lataliye ka tirsan Xafiiska Amniga Qaranka, halkaas oo uu door weyn kaga qaatay qorsheyaasha istaraatiijiga ah ee amniga qaranka.
2-da November 2024, waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed, isaga oo xilkan u haya inuu xoojiyo awoodda ciidanka iyo difaaca qaranka.
Khaalid waa hogaamiye aqoon sare iyo xirfad milatari. Marka laga tago halgankiisa gobannimaddoonka ahaa, sida oo kale waxa uu galay halgan aqoon isaga oo dugsi ka billaabay magaalada Godey ee Dawlad Deegaanka Soomaalida. Dugsiga Sare waxa uu ku dhammeeyay magaalada Muqdisho. Waxa uuna Jamacadda Jigjiga (JigjigaUniversity) kaga baxay maaddada Cilmiga Bulshada.