Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdigii u horreeyay u direysa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo intii uu soo hagaagay xiriirka labada dal.
Socdaalka wafdigan ayaa daba socda heshiiskii dhawaan ay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad, sida lagu sheegay bayaan ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
“Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyb dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay sida ay uga go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska oo kamid tahay Itoobiya, iyadoo xiriirkiisa saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dal kasta.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in safarkan uu qeyb yahay agaasimaha hey’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe, inkastoo aan lagu xusin bayaanka kasoo baxay wasaaradda.
Socdaalkan wafdiga dowladda Soomaaliya uga ambabaxayaan Addis Ababa ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo dagaal ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya, kaai soo dhex-maray ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa taabacsan Jubbaland.