Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ay ku hawlan yihiin falal lagu carqaladeynayo amniga deegaannada nabdoon ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo. Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo horey loogu guuldareystay isku dayo lagu qalqal gelinayey deegaanka Raaskambooni, halkaas oo dhalinyaro lagu qalday inay ka qeyb qaataan falal amni darro ah.
Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Gedo ayaa hore uga digay faragelinta noocan ah, iyagoo xusay in shacabka reer Gedo ay ku naaloonayaan nabad ay sabab u tahay dadaallada dowladda Jubbaland. Waxay sheegeen in ciidamadii loogu talagalay inay sugaan amniga shacabka loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taas oo ka hor imaaneysa dastuurka dalka.
Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa horey u sheegay in Jubbaland ay u taagan tahay ilaalinta dastuurka dalka iyo kan Jubbaland, isla markaana ay diyaar u tahay inay iska difaacdo wax kasta oo khatar gelinaya amniga shacabka deegaannada Jubbaland.
Waxaa xusid mudan in kulan looga soo horjeedo faragelinta Xasan Sheekh iyo kooxdiisa lagu qabtay magaalada Nairobi, halkaas oo lagu taageeray dowladda Jubbaland.
Sidoo kale, banaanbax lagu taageerayo dowladda Jubbaland islamarkaasna looga soo horjeedo faragelinta Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulkiisa ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrinta Jubbaland iyo go’aanka dowladda, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka, isla markaana aysan aqbali doonin faragelin kasta oo lagu sameeyo maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka.
Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo amniga iyo xasilloonida deegaannada Jubbaland, iyadoo la tixgelinayo rabitaanka shacabka iyo dastuurka dalka, si looga fogaado cawaaqib xumo ka dhalan karta faragelinta siyaasadeed ee aan loo meel dayin.