Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo sii fogeyn kara maamulkaasi, xilli ay haatan taagan tahay xiisad kala dhexeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay bilowday qorshe gaar u ah oo ay ku sameysaneyo lacag, taas oo uu tilmaamay inay la jaan qaadi doonto nidaamka maaliyadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa xusay inay u dhaqmi doonaan sida waddamada kale ee leh nidaamka federaalka oo uu tilmaamay in qaarkood ay leeyihiin lacago u gooni ah.
“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka gaabisay sameynta lacag cusub, balse ay hadda iyagu tashan doonaan, haddii aan la helin lacag cusub oo uu yeesho dalka.
Puntland ayaa horay u qaadatay go’aanno ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay in dhowaan ay ku dhowaaqday in xiriirkii u jartay dowladda dhexe, ayna u dhaqmeyso si madax banaan, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Deni iyo Xasan Sheekh.
Go’aankan cusub ee ku saabsan samaysashada lacag u gaar ah Puntland ayaa noqon karta mid sii kordhiya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamul-goboleedyada iyo dowladda dhexe, maadaama tallaabo noocan ah ay saameyn ku yeelan karto isku-dhafka siyaasadeed iyo maaliyadeed ee dalka oo dhan.