Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa booqasho shaqo ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Abdul Majeed Saqr.
Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashiga dhinaca amniga iyo militari ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Wasiirada ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo ka dhaxeeya labada dal si loo xoojiyo awoodda ciidamadooda, gaar ahaan kuwa Soomaaliya oo dagaal kula jira kooxaha argagixisada.
Intaas waxaa dheer, labada dhinac ayaa ka wada hadlay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo Soomaaliya ka bilowday 1-da bisha Janaayo. Wasiirka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Masar taageerada ay u fidisay Soomaaliya, isagoo sheegay in iskaashiga dhinacyada tababarka iyo qalabeynta ciidanka uu yahay mid muhiim ah.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dal si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka kala dhaxeeya dalalka deriska iyo kuwa caalamka, iyada oo diiradda la saarayo dhismaha iyo tayeynta ciidanka si looga guuleysto kooxaha argagixisada.
Waxaa la filayaa in Wasiirka Gaashaandhigga uu sidoo kale la kulmo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Masar, si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.