Ugaas marka hore nabadgalyo iyo naxariis Eebe korkaaga ha ahaato. Waxaan rajaynayaa in warqaddani kugu soo gaarto caafimaadqab iyo raynrayn.
Waxaan marka xiga xusayaa galladdii Eebe ee suuragalisay duubistaadii taariikhiga ahayd iyo socdaalkii nabadda ee xigay.
Ugaas,
Sida aad aad xog-ogaalka dhow u tahay, gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe waxay muddo fogba ku sifaysnaayeen dibudhac iyo hubanti la’aan qoto dheer oo xagga siyaasadda iyo maamulka ah. Waxay ahayd sanadkii 2016 markii Ugaaskii kaa horreeyay, aabahaa, Ugaas Xassan Ugaas Khaliif uu iclaamiyay gogol nabadeed iyo nidaam-dhis oo uu isagu dhigay magaalada Beledweyne si dadka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay isugu yimaadaan, aayahooda u lafaguraan, kuna yagleelaan nidaam gobolladan matala qaybna ka noqda nidaamka federaalka iyo dowlad dhiska guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Nasiib darro, xukuumaddii markaa jirtay oo isha ku haysay dano siyaasadeed oo gaar ah ayuu ka qabsoomi waayay shirkii masiiriga ahaa ee dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska Hiiraan Shabelle.
Ugaas,
Sida aad ka warqabto, waxaan aniga shakhsiyan ka mid ahaa dadkii berigaa isku howlay in meel la isugu keeno rabitaanka dadweynaha oo uu Ugaasku matalatay iyo qorshihii dowladda Dhexe ee dhismaha dowlad goboleed ay yeeshaan Hiiraan iyo Shabelle. Damicii danaysigu ku larnaa ee dowladda dhexe wuxuu horseeday in dadaalkii waxgaradku dhicisoobo iyo inay kala irdhoobaan dowladdii wax dhisaysay iyo dadkii ay ahayd in loo dhiso.

Intaa kuma ekaan fashilkii ku yimid midaynta qorshayaashii laga kala karkarinayay Beledweyne iyo Villa Somalia. Waxaase fashilka xigay in dowladdii dhexe ku shaabadayso Ugaas Xassan iyo guud ahaanba shacabka Hiiraan inay yihiin kuwo jid iyo jiho-diid ah oo aan lahayn wax ujeeddo siyaasadeed iyo rabitaan ah toona. Halka sida dhabta ah ay ahayd waxgaradka Reer Hiiraan kuwii lahaa hindisaha midaynta Hiiraan iyo Shabelle.
Iyadoo la ogyahay in sababta looga cararay gogoshii Ugaasku ay ahayd in meel mugdi ah wax lagu waxaysto, ayaa haddana ugaaskii iyo guud ahaan beesha la marmariyay burush iimo leh.
Ugaas,
Siddeed sano kadib baalmarkii gartii Ugaas Xassan, wixii lala orday meel ma gaarin. Dadkii labadan gobolna waxaa la baday wax walba oo xumaan ah ood hummaaggaaga gelin karto. Sidoo kale, siddeed sano kadib, waxaa la maciin bidayaa sii wadidda dacaayaddii raqiiska ahayd ee ‘Reer Hiiraan ma hayaan talo dowlad dhis iyo waa jid iyo jiho diid’. Waxa magac xumayntaa loo sii daba hayo waa in mar kale lala cararo masiirka ummadda.
Si la isaga tiro ceeb raadintaa joogtada ah isla markaana marxaladdan xasaasiga ah loo wajaho waxaan kuu soo jeedinayaa:
- Inaad dib iclaamiso madashii la xagal-daaciyay 2016-dii, markanna aad gogosha dhigto magaalada Buuloburte oo ah halka sida dabiiciga ah xarunta ugu noqon karta Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
- Inaad ugu yeerto dhammaan saamilayda dhaqanka iyo siyaasadda gobolladan inay isugu yimaadaan wadatashi la xiriira sidii looga arrinsan lahaa aayaha degmadan lafdhabarka u ah dalkeenna Soomaaliya.
- Inaad ugu yeerto dowladda dhexe inay qaadato kaalinteeda ku aaddan hirgelinta shirka iyo inay u fududayso saamilayda deegaankan inay arrimahooda dhinac uga soo wada jeestaan
Sideedaba, in cid ka baxsan dadka taladu ka dhaxayso ay faragalin weyn ku yeelato geeddisocodyada dhismaha maamulladu waa awr-calool-ka-rarid iyo meel ujeeddada laga leeyahay aanay gaarsiisnayn dhismaha nidaam shaqeeya oo waara. Tusaalooyinka kooban ee dowlad-dhis ee dalka ka hirgalay saddexdii caqdi ee lasoo dhaafay waxay na tusinayaan ahmiyadda ay leedahay in dadka wax dhisanayaahi yeeshaan hindisaha hore iyo hirgalinta dambe labadaba. Aragtidayda, sababta ugu weyn ee ay u taabbaqaadi la’yihiin isku dayada dowlad dhis ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya waa lahaansho la’aanta dadka deegaannada ee hindisaha iyo geeddisocodkaba. Iyadoo kaalinta dowladda dhexe ay lama huraan tahay ayuu haddana lahaanshaha mashruuca ee dowladda dhexe ka dhigan yahay fasaad loo bareeray iyo natiijo la mida tii aan dhaxalnay siddeeddii sano ee tagtay.
Haddii uu guulaysto hindisaha gogosha Buuloburte, wuxuu noqon doonaa mid Soomaaliyoo dhan wax kusoo kordhiya horana u mariya geeddisocodka dowlad dhiska dalka. Haddiise mar kale la fashiliyo dadaalkaaga, waxaad Reer Hiiraan ka tiri doontaa xanaf lala raadinayay in lagu tiro, waxaana u fududaan doonta inay meel qura ka wada arkaan halka luggooyadu kasoo askunto, talo midaysanna ka qaataan.
Wabillaahi Towfiiq