Ururka Xamaas ayaa Sabtidii shalay aqbalay hindisihii soo jeedinta madaxweyne Biden ee wadahadallada xabbad-joojinta Gaza iyo in Israa’iil iyo Xamaas ay is weydaarsadaan la heystayaal iyo qodobbo kale.
Ilo ka tirsan Xamaas ayaa Reueters u sheegay in Xamaas ay ka laabatay dalabkeedi hore ee ahaa in marka hore ay Isra’il ogolaato xabad-joojin buuxda.
Jawiga guud waxaa iminka ka muuqda deggenaan ka hirgashay Gaza taasoo maamulka madaxweyne Biden uu soo jeediyay.