Ku simaha Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ugu baaqay Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qaadaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah si ay dib ugu billaabaan wadashaqeyntoodii.
James Swan oo shalay booqasho ku tagay magaalada Garowe, ayaa sheegay in ay faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed haddii madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka gudbaan khilaaf kasta oo jira, isla markaana la helo qaab wada shaqeyn ah.
Geesta kale qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu yidhi
Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo doorka Puntland ee dowlad dhiska Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay arrimaha Puntland, gaar ahaan dimuqraadiyadda oo ay Qaramada Midoobay boggaadisay doorashada goleyaasha deegaanka ee socda iyo mashaariicda horumarineed iyo kuwa bani’aadantinimo.”
Waxaa kulanka ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.