Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya, ayaa war culus kasoo saaray khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Warkan ayaa diiradda saaraya sidii loo xallin lahaa khilaafkaas, oo saameyn ku leh nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.
Madaxweynaha ayaa ku booriyey labadan hogaamiye in ay wada hadal furan iyo isfaham ku dhaqmaan, isagoo carabka ku adkeeyay in khilaafku uusan ahayn mid dalka iyo shacabka ka faa’iideysanaya. Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalinta khilaafka, islamarkaana ay dhiirrigelinayso iskaashiga ka dhexeeya maamul goboleedyada.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeelan karo qorshayaasha horumarineed iyo amniga, taasoo muhiim u ah dalka. Isagoo ku booriyey hogaamiyeyaasha in ay ka shaqeeyaan midnimo iyo wadajir si loo gaaro yoolalka dowladnimo iyo horumar.
“Wax kasta oo aan qaadeynana waxay noqon doonaan wax ay raalli ka noqdaan wax ay ka qoomameeyaan ma noqon doonaan, waana u howl haynaa” ayuu mar kale yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel xun uu gaaray khilaafka dowladda, federaalka, Puntland iyo Jubbaland oo ku kala tegay siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo dhaliyay muran xoogan, maadaama ay isku khilaafeen saddexda dhinac.