Iran ayaa sheegtay in Ismail Haniyeh iyo ilaaladiisa lagu dilay guriga martida oo ku yaal waqooyiga Tehran saacadu markay ahayd 02:00AM, xilligaas oo ku dhaweyd waabirigii saaka, iyadoona dilkiisa loo adeegsaday, gantaal laga soo ganay meel ka baxsan xudduudaha Iran.
Weerarku waxa uu su’aal geliyey hay’adaha ammaanka Iran iyo sida ay ula dhaqmayaan falalka noocan ah ee Israa’iil ka geysaneyso gudaha Iran.
Israa’iil ayaa horay u dishay saynis yahano u dhashay Iran tobankii sano ee la soo dhaafay ama wax ka badan, laakiin waligeed ma aanay bartilmaameedsan mudane ama hogaamiye siyaasadeed caan ah oo Iran ah.
Saddex sano ka hor, wasiirkii hore ee sirdoonka, Ali Yunessi, ayaa sheegay in Israa’iil ay galaangal qoto dheer ku leedahay gudaha Iran, oo ay tahay in dhammaan mas’uuliyiinta ay u baqaan naftooda.
Xisbullah ayaa hadda soo saartay bayaan ay ku xaqiijinayso in Fuad Shakr lagu dilay duqeyntii Israa’iil ay shalay ka geysatay magaalada Beyruut.
Fu’aad ayaa ku sugnaa gudaha dhisme ku yaal Dahiyeh, ee Beirut, halkaas oo ay duqeeyeen Israa’iil fiidnimadii shalay, iyadoona tan iyo markii duqeyntaas ay dhcday, burburka dhismaha laga baadigoobayay.
Israa’iil ayaana shalay sheegtay in Shukr la dilay, wax yar ka dib markii ay ku dhawaaqeen mas’uuliyadda weerarka cirka.
Benjamin Netanyahu, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, ayaa hadda la hadlay suxufiyiinta Tel Aviv.
Ma uusan soo hadal qaadin dilka hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah, balse waxa uu diray diginin ah in waddankiisu “u diyaarsan yahay dhammaan xaaladaha”.
Qudbadiisa oo dhinacyo badan taabaneysay ayaan idinkaga soo gudbin doonaa qeybaha ugu muhiimsan.