In ka badan 30 xildhibaan oo ka socday labada aqal ee baarlamaanka ayaa tagay magaalada Kismaayo, iyagoo ajiibaya baaqii madaxweynaha Jubbaland ee ku aaddanaa inay kasoo qeyb galaan wadatashi ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee dalka.
Kulanka wadatashiga oo maanta oo jimce ah lagu waday inuu dhaco ayaa dib u dhacay, iyadoo la sheegay in la sugayo xildhibaano ku maqan dalka dibbadiisa oo laga sugayo inay tagaan Kismaayo.
Xildhibaanada tagay Kismaayo ayaa sheegay inay taageersan yihiin mowqifka Jubbaland uu ka taagan yahay arrimaha siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay dagaal beelaysan kula jirto Jubbaland iyo Puntland.
Tegitaanka xildhibaanadan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo labada aqal ee baarlamaanku uu meel mariyay inay sii shaqeeyaan muddo bil ah si ay u meel mariyaan xeerarka doorashooyinka iyo xisbiyada.
Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday qorshaha doorashooyinka qof iyo cod ee 2026, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu isku diyaarinayso muddo kororsi dalka galin kara qalalaase iyo xasilooni darro siyaasadeed.