Warar soo baxaya ayaa Sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in ciidamada Itoobiya ay sii ahaadaan qeyb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha cusub ee galka amniga Soomaaliya{AUSSOM}. Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii wafti sare oo ka socday dowladda Itoobiya ay todobaadkan soo gaareen caasimadda Muqdisho, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ujeeddada safarka.
Ilo xog-ogaal ah oo ay helayso warbaahinta Yeel Media ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii ciidamada Itoobiya ay qeyb uga noqon lahaayeen isbeddelka amniga, gaar ahaan iyada oo lagu beddelayo kaalinta ay hadda hayaan ciidamada Burundi. Dowladda Burundi ayaa horey u sheegtay in ciidankeeda aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka cusub ee loo qorsheeyay sanadka 2025.
Qorshahaan ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo sidoo kale laga jawaabayo caqabado ku saabsan bixitaanka ciidamada ATMIS iyo doorka dalalka xubnaha ka ah Hawlgalka Kala-guurka Soomaaliya (ATMIS). Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama aysan hadlin arrintan, balse waxay u muuqataa mid sare u qaadi karta xiriirka labada dal, xilli ammaanka Soomaaliya uu weli yahay mid jilicsan, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliya Iyo Ku Xigeenkiisuba waxa ay jeediyeen hadalo laga dheehan karo in Soomaaliya ogolaatey in ciidamadan sii joogaan.Hore Xukuumaddauuu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamud waxa ay Golaha ammaanka ka hor sheegtay in ayna ciidamada dalka Itoobiya hawlka cusub kasii mid ahaan doonin.Laakiin xukumadda Xasan Sheekh Maxamuud oo ayna afka iyo dhegtoodu is maqal ayaa jeediyey hadalo iska hor imaanaya.
Hawlka csub ayaa ku hawlgali doona magacan,AUSSOM