Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kampala si uu uga qayb galo Shir Madaxeedka Beeraleyda Afrika
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si rasmi ah uga dagay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya ka qaybgalka Shir Madaxeedka Beeraleyda Afrika ee loo yaqaan The Comprehensive Africa Agricultural Development Programme (CAADP). Shirkan, oo ay ka soo qayb galayaan madax kala duwan oo ka socda dalalka Afrika, ayaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta wax soo saarka beeraha, kobcinta dhaqaalaha, iyo adkeynta iskaashiga dalalka Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, taas oo uu kaga hadli doono fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada beeraha iyo xoolaha, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka. Waxa uu sidoo kale tilmaami doonaa dadaallada dowladda ee la xiriira sugidda amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Safarka Addis Ababa iyo wada-hadallada Itoobiya
Intaas kaddib, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo warramayaa inay u sii gudbi doonaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya. Halkaas ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, si ay uga wada hadlaan arrimo muhiim ah oo khuseeya labada dal.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in wada-hadalladan ay diiradda saari doonaan sii amba-qaadidda heshiiskii hore ee lagu gaaray magaalada Ankara. Heshiiskaas ayaa la xiriiray iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo marin-biyoodka, kaas oo Soomaaliya u ogolaanaya Itoobiya inay si toos ah uga faa’iideysato dekedaha Soomaaliya. Waxaa la filan karaa in labada dal ay kala saxiixdaan heshiis cusub oo dhinaca badda ku saabsan, si loo sii xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dowladood.
Ujeeddooyinka waaweyn
Safarka Madaxweynaha ee Kampala iyo Addis Ababa ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka iyo doorka Soomaaliya ee xiriirka diblomaasiyadeed. Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid xoogga saaraysa dhameystirka heshiisyada muhiimka ah ee gobolka, si loo xoojiyo kobaca dhaqaale iyo horumarinta kaabayaasha nolosha dadweynaha.
Wixii warar dheeraad ah ee ku saabsan socdaalka Madaxweynaha iyo natiijada wada-hadallada, dib ayaan idiin kala socodsiin doonaa.