Xog cusub oo naga soo gaartay deegaanka Qorilugad ee hoos yimaada magaalada Buuhoodle ayaa xaqiijineysa in xalay dagaal culus uu halkaasi ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan maamulka SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Deegaankaasi oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa noqday goob lagu muransan yahay, iyadoo labadan dhinac ay muddooyinkii dambe isku horfadhiyeen halkaas.
Sida ay ilo-wareedyo deegaanka ah noo xaqiijiyeen, dagaalku wuxuu qarxay kaddib markii ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen difaacyada ciidanka SSC-Khaatumo ee ku sugnaa agagaarka deegaanka Qorilugad. Ciidanka SSC oo difaac adag ku jiray ayaa iska caabin xooggan sameeyay, taasoo sababtay inuu dagaalku sii xoogeysto. Inkastoo xaaladdu hadda degan tahay, weli ciidanka SSC-Khaatumo ayaa ku sugan goobihii lagu dagaalamay, iyagoo dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada halkaas, si ay uga hortagaan weerarro kale oo kaga yimaada dhinaca Somaliland.
Dagaalka ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan weli tirada rasmiga ah ee khasaare la hayn, labada dhinacna aysan war rasmi ah kasoo saarin dagaalkan. Dadka deegaanka ayaa ka welwelsan in dagaallada ay dib u qarxaan maadaama xiisaddu weli tahay mid kacsan, iyadoo labada dhinacba ay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub ka wadaan deegaanada ku xeeran Buuhoodle.
Deegaanka Qorilugad ayaa ah mid istaraatiiji ah, maadaama uu ku yaallo xadka u dhexeeya gobollada Somaliland iyo dhulka ay ka taliyaan SSC-Khaatumo, waxaana dagaallada ka socda gobolka Togdheer ay qeyb ka yihiin muranada siyaasadeed iyo midka hubeysan ee muddooyinkii dambe ka taagnaa gobolkaas.