Xubno ka tirsan Al Shabab ayaa sida Tusbax furtey isugu soo dhiibaya ciidamadda dawladda,sida lagu baahiyey barta Facebook ee SNA ayaa lagu sheegay in uu isa soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al Shaabab oo lagu magacaabo Ibrahim sheikh Aadan magaciisa afgarasahdaa ee looga yaqaano dagaalamayashana ku sheegay{ Yowkoyow}
Waxana hadda gacanta ku haya laamaha ammaanka ee degmadda Waajid oo uu isu soo dhiibay ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa shegay in uu ninkan isasoo dhiibay ka tirsanaa Al Shabaab muddo 16 sano ah
Ibraahim Sheekh Aaadan oo la wareystay ayaa ka sheekeeyey sababta uu isu soo dhibay una yimid Al Shabab,waxana uu sheegay in dhibaatdda dagaalyanadda Al Shabab shacabka u gaysanayaan ka adkeysan waayey
Maanta oo qudha aya waxa isasoo dhiibay xubno muhiima oo ka tirsan dagaalyahanadda Al Shabaab,Waxana ay ciidanka sheegen in lo sameyn doono dib u dajin ama dib tarbiyadayn oo loo sameeyo xubnaha iska soo dhiiba Al Shabaab.
Waxa uu dardaaran u direy saxiibadiisii tuurka oo uu kula taliyey in ay isu soo dhiibaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.