WARARKA MAANTA
Sida ay xaqiijiyeen illo xog ogaala waxaa isasoo dhiibey xubno muhiima oo ka tirsan Al Shabab kuwaas oo fadhigoodu ahaa gobolka Jubbada Hoose gaar Ahaana Buula Xaaji ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee howlgallada ayaana xubnahan gacanta ku haya.
Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka hoggaamineyso waxaa isa soo dhiibay illaa 4 ka mid ah horjoogayaashii Al-Shabaab u qaalbilsanaa deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.
Horjoogayaasha isa soo dhiibay ayaa kala ah Amiirkii deegaanka Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda Khawaarijta ee deegaankaas, madaxii sirdoonka iyo horjooge kale oo u qaabilsanaa ooHorjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.
Xubnaha isa soo dhiibay ayaa loo sameeyay soo dhaweyn, waxayna mari doonaan habraaca ay dowladda u dajisay in la marsiiyo xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab.
Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.